Baaritaano lagu sameynaya cunto loo qeybiyay shacabka Kiambu oo shaki la geliyay

Dowladda ismaamulka Kiambu ayaa guda gashay baaritaano la xiriira warar la tabiyay oo ku aaddan in cunto gargaar ah oo loo qeybiyay shacabka ku nool deegaan baarlamaneedka Kikuyu ay waxyeello ka soo gaartay dadweynaha.
Barasaabka Kiambu Dr. James Nyoro ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof la dhigay isbitaalka kaddib markii ay cuneen cunto aan wanaagsaneyn.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in qeybinta cuntadaas aan loo marin geedisocodka habboon ee u degsan dowladda wuxuuna u digay cid kasta oo arrimahan ku howlan oo uu sheegay in xabsiga loo taxaabaya.
Guddoomiyaha Kiambu ayaa shacabka deegaankaas ee helay cunto aynan qeybin dowladda dhexe ama midda ismaamulka ugu baaqay inaynan isticmaalin maadaama ay suurtagal tahay inuu dhib ka soo gaari karo.
Shalay ayay ahayd markii ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto uu iska fogeeyay in cuntadaas ay bixisay hay’adiisa Wiliam Ruto Foundation.
Xoghayaha dhanka isgaarsiinta u qaabilsan madaxweyne ku xigeenka wadanka David Mugonyi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ruto uunan ku lug lahayn gargaarkaas la bixiyay ee ay dhaliisha ka dhalatay .
Dadka qaar ayaa warbaahinta u sheegay in cuntada la qeybiyay lagu soo daabacay qoraal tilmaamaya inay ka timid hay’adda William Ruto Foundation iyo Kimani Ichung’wah oo ah mudanaha deegaanka.
Hasa ahaate Mr. Mugonyi ayaa bayaanka ku xusay in warbixinada qaar ay tilmaamayaan in cuntada si degdeg ah baabuur socday looga dejiyay halka waxyaabaha lagu qorayna ay been abuur yihiin.
William Ruto ayaa sheegay in hay’addiisa ay cunto gargaar ah bixiso oo keliya iyadoo kaashanaysa goobaha cibaadada iyo mas’uuliyiinta degmooyinka.
Jawaabta arrinkan laga bixiyay waxaa qeyb ka ah in hay’adda ay horay cunno uga qeybisay Nairobi iyo deegaannada u dhow iyadoo wax eedeyn ama dhib ah aynan ka dhalan sidaas awgeedna waxyaabaha la faafiyay laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.
Sido kale waxaa arrinkan ka hadlay mudanaha laga soo doortay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu, Kimani Ichung’wah oo qoraalo uu soo dhigay baraha ku leeyahay twitarka iyo Facebook-ga ku beeniyay inuu qeybiyay cuntadaas.
Xildhibaanka ayaa sheegay in arrinkaas ay sameyeen dad uu ku tilmaamay kuwo siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan.
Waxaa uu sheegay in qoys ku nool tuulada Gikambura oo ka mid ah dadka la sheegay inay ku sumoobeen cuntada la daaweeyay.
Mr. Kimani ayaa shacabka ku wargeliyay inay aad uga taxadaraan cidda wax u qeybinaysa oo uu xusay inay suurtagal tahay inay leedahay dano kale oo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here