Baaritaano lagu sameynaya shil ka dhacay Londiani

Sawirka Shilka

Saraakiisha ammaanka ayaa guda galay baaritaano ku aaddan shil galinkii dambe ee shalay ka dhacay isgoyska deegaanka Londiani ee ku yaalla wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Kericho iyo Nakuru .
Shilka ayaa u dhaxeeyay mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaado iyo shan gawaari oo kale.
Taliyaha saldhigga booliska Londiani Musa Kongoli ayaa warbaahinta u sheegay inay dabagal ku sameynayaan sababta rasmiga ee shilkaas ka dambeysay.
Waxaa uu intaa ku daray in baabuurka xamuulka uu ka soo safray Nakuru oo uuna ku wajahnaa Kericho.
Taliyaha ayaa xusay in darawalka uu lumiyay xakameynta baabuurka taasoo keentay in gaariga uu ku dhaco nooca ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda.
Taasi ayaa keentay in baabuur badan ay isku dhacaan waxaana halkaas ku dhintay 5 qof oo isugu jiro laba haween iyo saddex Mr. Kongoli ayaa carrabka ku dhuftay in dadka dhintay ay badankoodu saarnayeen mataatuuda halka wadihii gaariga xamuulka uu dhaawac culus oo gaaray.
Waxaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 12 qof oo dheeraad ah oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaallada magaalada Kericho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here