Baaritaano lagu sameynayo dadka la xiriiray bukaanka cudurka Covid19 laga helay

Hadassah Ein Kerem medical team members, wearing protective gear, are handling a Coronavirus test sample of Hadassah Ein Kerem workers at the Hadassah Ein Kerem Hospital in Jerusalem on March 24, 2020. Photo by Yossi Zamir/Flash90 *** Local Caption *** קורונה וירוס מגיפה מגן דוד אדום צוות רפואי הצלה בדיקות נשאים הדסה עין כרם

Maanta oo Axad ah waxay Dowladda billaabaysaa in baaritaan lagu sameeyo cid kasta oo la rumeysan yahay inay la macaamisha shakhsiyaadka laga helay cudurka Covid19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr.Mutahi Kagwe ayaa shalay sheegay in ugu yaraan 2000 oo qof ay wadanka yimaadeen tan iyo 22-kii bishan .
Waxaa uu xusay in hadda dadkaas lagu karantiilayo goobo kala duwan.
Kenya ayaa shalay xaqiijisay toddobo kiis oo dheeeraad ah taaso tirada guud ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ka dhigaysa 38.
Sida laga soo xigtay Mr. Mutahi Kagwe, 833 qof ayaa baaritaano lagu sameeyay halka Dowladda ay weli ku raad joogto 1,141 dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here