Baaritaano lagu sameynayo shirkadaha soo saaro caleenta shaaha

Wasiirka wasaaradda beeraha , xoolaha iyo kallumeysiga ee dalka Mr. Peter Munya ayaa shaaca ka qaaday in baaritaano dhanka hanti dhowrka ah lagu sameyn doono shirkadaha soo saaro caleenta shaaha.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dadaal badan lagu bixin doono sidii warshadahan looga badbaadin lahaa inay burburaan.
Mr .Munya ayaa agaasimayaasha warshadaha caleenta shaaha ee hoos tago maamulka (KTDA) ku eedeyay inay isku dayayaan inay hor istagaan dhaqangelinta isbeddelo la soo jeediyay.
Wasiirka ayaa xusay inay maxkamadda taalo dacwad arrinkan ku aaddan balse marka kiiskaas la soo gabagabeeyo kaddib baaritaano qoto dheer la sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here