Baarlamaanka dalka oo billaabaya warbaahin 24 saac shaqeynaysa

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa lagu wadaa inuu hirgeliyo warbaahin shaqeyn doonto 24 saacadood oo loogu talagalay inay tabiso howlaha baarlamaanka.
Warbaahinta dowladda ee KBC oo soo xiganaysa guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan warfidinta Justus Kizito ayaa sidatan ku warramaysa.
Waxaa uu guddoomiyuhu xusay in tallaabadan looga gol leeyahay in dadweynaha ay si buuxda u fahmaan waxyaabaha ay qabtaan madaxda ay doorteen.
Mr.Kizito ayaa intaa ku daray in xildhibaanada ay diyaar u yihiin inay shacabka la wadagaan waxqabadkooda gudaha baarlamaanka iyo deegaanada laga soo doortay si loo helo daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
Agaasimaha guud ee warbaahinta dowladda ee KBC Dr. Naciim Bilaal ayaa dhankiisa ballanqaaday inuu gacan ka gaysan doono dhisidda warbaahinta baarlamaanka gaar ahaan talasiinta dhanka farsamada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here