Baarlamaanka dalka oo ka doodi doono hindise ku aaddan dhaqaalaha qaran

Baarlamaanka dalka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka doodo hindise sharciyeed ku aaddan qaabka dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dakhliga qaran ee wadanka soo galo.
Arrintan oo aan wax heshiis ah laga gaarin ayaa saameyn ku yeelatay howlaha dowlad deegaanada iyadoo barasaabyada ay toddobaadyadii ugu dambeysay ka cabanayeen gaabad dhanka dhaqaalaha ah.
Baarlamaanka dalka iyo aqalka sare ayaa horay isku maandhaafay qaabka labada heer ee dowladda ay u qeybsanayaan dakhliga qaran.
Ismariwaaga xita maxkamadda lala tiigsaday si xal loogu helo ayaa yimid kaddib markii senetarada dalka oo garab ka helaya golaha COG ay soo jeediyeen in ismaamulada lagu wareejiyo 335 bilyan oo shilin halka baarlamaanka uu dhaqaalahaasi ka dhigay 316.5 bilyan.
Hasa ahaate waxay hadda u muuqataa in xaaladda jirto dhawaan xal loo helayo kaddib markii shalay xubnaha aqalka sare ee dalka ay mowqifkoodii fududeyeen oo ayna oggoladeen soo jeedintii xildhibaanada baarlamaanka.
Hidise sharciyeedka ku aaddan qeybsashada dakhliga qaran ee dalka oo uu aqalka sare ansaxiyay gelinkii dambe ee shalay ayay maanta mudanayaasha ka doodi doonaan oo haddii ay meel mariyaan loo sii gudbin doono madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta si uu qalinka ugu duugo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here