Baarlamaanka iiraan oo soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray Maxamad bin Salmaan

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka iiraan Cali Larijani ayaa maanta oo talaado ah soo dhaweeyay arrin uu dhawaan sheegay dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan.
Hadalkaasi ayaa ahaa in boqortooyada ay diyaar u taahy in khilaafka kala dhexeya iiraan qaab wada hadal ah lagu dhameeyo.
Maxamad Bin Salmaan ayaa sheegay in uunan marnaba doorbideynin in dagaal milatari uu labada dhinac dhexmaro maadaama taasi uunan xal u arkin.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu u warramayay barnaamijka lixdanka daqiiqo ee warbaahinta CBS .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here