Baarlamaanka koonfurta Kuuria oo laxiray

Wadanka Koonfurta Kuuria ayaa waxay alabaada u laabtay baarlamaankeeda ladib markii sawir qaade u shaqeeya xisbiga talada wadankaasi haya laga helay cudurka covid-19 sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Yonhap.
Qoraal ka soo baxay baarlamaanka dalkaasi ayaa lagu sheegay in kabadan 50 qof oo ay ku jiraan 14 qof oo saraakiil sarsare ah kana tirsan xisbiga demuqraadiga ay xiriir la sameyeen wariyahaasi.
Dadkan ayaa dhamaantood laga doonayaa inay si iskood ah isu karantilaan kadibna baaritaan ay isasoo baraan.
Sidookale qaar kamid ah xafiisaha dowladda ayaa iyagana lagu amray inay xiraan sababa la xiriira cudurkan.
Dhanka kale dowladda koonfurta kuuria ayaa ka codsatay goobaha shaqada in shaqaalahooda ay u ogoladaan inay guryaha ka soo shaqeeyaan.
wadankan ayaa dagaal xoogan kula jiraa cudurka Covid-19 ee sida xowliga ku socda iyadoo tirada sii kordheysa ee cudurkan lala xiriiriyay kaniisadaha iyo dibad baxyada ka dhanka ah dowladdaasi ee bilawwday horaantii bishan.
Dowladda koonfurta kuuriya ayaa ka cabsi qabtaa in xafiisyada ay noqdaan meelaha ugu badan ee laga soo tabiyo cudurka covid-19.
Wasiirka caafimaadka dalkaasi Park Neung-hoo ayaa sheegay inay muhiim tahay in xafiisyada ay tixgaliyaan codsigaasi si nifaas looga dareemo xafiisyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here