Baarlamaanka Lubnaan oo u codeeyay ra’iisul wasaaraha cusub

Safiirkii Lubnaan ku matalayay Jarmalka Mustapha Adib ayaa looga fadhiyaa inuu xukuumad cusub soo dhiso kaddib markii xubnaha baarlamaanka wadankaas ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen inuu noqdo ra’iisul wasaaraha.
Waxaa Adib codkooda ku taageeray 90 ka mid ah 120 mudanayaal.
Mustapha Adib ayaa warfidiyeenka u sheegay in la joogo xilligii gacmaha la is qabsan lahaa si loo soo celiyo rajadii shacabka Lebanon.
Mas’uulkan ayaa danjiraha Lebanon u fadhiya jarmalka ahaa tan iyo sannadkii 2013-kii waxaana xilka uu la wareegaya uu yimid kaddib markii uu horraantii bishan iscasilay Xasan Diab .

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here