Baarlamaanka Maamulka Puntland oo dib u eegis ku Samaynaya Heshiiskii shirkada DP World.

Guddoonka Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay ajandayaasha kal-fadhga 46aad ee Baarlamaanka Maamulkaas oo ay ku jiraan ajandayaal xasaasi ah oo Xildhibaannada ay ka doodi doonaan.
Ajandayaasha ugu xasaasisan ee ku jira kal-fadhiga 46aad ayaa waxaa kamid ah, Amniga Golaha, la-xisaabtanka Xukuumadda iyo dib u eegis ay Xildhibaannadu ku sameynayaan heshiiskii P& Ports ee Shirkadda DP World ay kula wareegtay dekeda Magaalada Boosaaso.
Marka la eego ajandayaasha ku jira kal-fadhigaan Golaha wakiilada Maamulka Puntland ayaa waxaa ugu adag tan ku saabsan la xisaabtanka xukuumadda, iyadoo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay kamid aheyd qodobadii xilka looga qaaday la xisaabtanka Xukuumada.
Sidoo kale ka doodista heshiiskii P& Ports ee Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta in dib u eegis ay Xildhibaannada puntland ku sameeyaan ayaan fududayn maadaama Shirkadda lagu wareejiyay dekadda Boosaaso oo ay maalgashi ku sameyneyso.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 15-kii Bishaan furay kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada Maamulkas,waxaana horyaalla Shaqooyin ay kamid tahay la xisaabtanka xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here