Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ka yeelanayo Heshiiska shirkada DP WORLD

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa inay Maanta kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Kulanka ayaa waxaay kaga doodi doonaan Xildhibaananda Dib-u eegista heshiiskii P&O Ports ee Shirkadda DP-World, taasoo ay soo jeediyeen shalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa la filayaa inuu Baarlamaanka hortago, ayna Xildhibaannadau wax ka weeydiiyaan heshiiska Shirkadda DP World ee ku saabsanaa horumarinta dekadda Boosaaso & waxyaabihii ka fulay.
Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa maalin ka hor kusoo xirtay Markab laga leeyahay dalka Jabuuti oo nooca kunteenarka ah,kaas oo ka yimid dalka Turkiga,waxaana Shirkadda DP World ay xiisad kala dhaxeeysaa turkiga, iyadoo lagu dhaliilo inaysan dooneyn horumar ay ka sameyso dekadda Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here