Baarlamaanka oo 8-da bishan yeelanaya kalfadhi gaar ah

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in 8-da bishan Afaraad golaha qaran ee sharci dejinta uu yeelan doono kulan gaar ah.
Waxay xildhibaanada eegi doonaan tallaabooyinka uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta kuwaasoo ku aaddan badbaadinta dhaqaalaha wadanka maadaama ay jirto saameyn ka dhalatay cudurka Covid-19.
Qoraal lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee Dowladda ayuu Muturi dib ugu yeeray mudanayaasha oo fasax ku kala maqnaa.
Go’aanka uu guddoomiyaha qaatay ayaa yimid saacado un kaddib markii uu helay warqad uga timid hoggamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Adan Barare Ducaale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here