Baarlamaanka oo amray in la baaro lunsashada lacagaha COVID19

Guddiga golaha qaran ee xeer-dejinta u qaabilsan dhanka xisaabaaadka ee (PAC) ayaa amar ku bixiyay in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo lacago loogu talagalay wax ka qabashada cudurka COVID19 oo la sheegay in la musuqmaasuqay.
Guddigan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka Nancy Gathugu u qabtay muddo 60 cisho ah oo ay war lagu qanci karo kaga soo saarayso fadeexaddan si weyn gudaha wadanka looga hadal hayo.
Haweeneydan ayaa la doonaya inay 30 cisho kaddib soo saarto faahfaahin hor dhac ah oo ku saabsan qaabkii loo adeegsaday 236 bilyan oo shilin.
Xeer ilaaliyaha dalka ayaa lagu amray inay dabagal ku sameyso isticmaalka dhaqaalaha loo qoondeeyay la dagaalanka cudurka COVID19 laga soo billaabo 13-kii bishii saddexaad ee sannadkan.
Xilligaas ayaa Kenya laga xaqiijiyay xaaladdii ugu horreysay ee fayraska corona.
Guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka ayaa sheegay inay Khasab tahay in la baaro adeegsiga lacagaha 13-kii maarso ilaa 31-dii bishii Toddobaad.
Guddoomiyaha guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka Mr. Opiyo Wandayi ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo ogaan lahaa isticmaalka kheyraadka dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here