Baarlamaanka oo ansaxiyay in 316 bilyan lagu wareejiyo ismaamulada

Baarlamaanka dalka ayaa ansaxiyay hindise sharciyeedka ku saabsan qeybsashada dakhliga qaran ee mar kale la daabacay.
Ismaamulada dalka ayay xildhibaanada u qoondeeyeen miisaaniyad dhaqaale oo dhan 316.6 bilyan oo shilin.
Hindise sharciyeedkan ayaa la hor geyn doonaa xubnaha aqalka sare si ay mudanayaasha baarlamaanka ugu taageeraan go’aankooda ama uga soo horjeestaan ka hor inta aan madaxweynaha loo gudbin.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa wadanka ka taagnaa muran ku aaddan sida dowladda dhexe iyo dowlad deegaanada ay u qeybsanayaan dhaqaalaha dalka soo galo.
Muranka ayaa yimid kaddib markii baarlamaanka uu ismaamulada u qoondeeyay 310 bilyan halka aqalka sare iyo golaha guddoomiyaasha dowlad deegaanada ay soo jeediyeen in miisaaniyaddaasi laga dhigo 335 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here