Baarlamaanka oo ansaxiyay sharci taageeraya shaqaalaha

Baarlamaanka dalka ayaa ansaxiyay hindise sharciyeed looga gol leeyahay in xilligan adag lagu badbaadiyo dadka u shaqeeya shirkadaha iyo shakhsiyaadka kale.
Sharcigan ayaa dhigaya in qofka shaqaalaha ah aan xilligan uu dalka cudur saameyn yeeshay ka jiro , shaqada laga tiri Karin.
Sido kale waxaa uu mamnuucaya in qofka lagu khasbo in culeys jiro awgii mushaarkiisa wax laga dhimo.
Galinkii dambe ee shalay ayay xildhibaannada baarlamaanka isbeddel ku sameeyeen sharciga la xiriira shaqada.
Kaddib markii saameynta cudurka Covid-19 laga dareemay gudaha wadanka ayay dad ooh adda guriyahooda ku sugan shaqo la’aan soo foodsaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here