Baarlamaanka oo ansixiyay sharci ah in xildhibaanadii hore la siiyo 100 kun bil kasta

Xildhibaanadii hore ee baarlamaanka ee soo shaqeeyey intii u dhaxeysay 1984 iyo 2001 ayaa hadda waxay helayaan ugu yaraan Ksh.100,000 bil kasta haddii Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu qallinka ku duugo wax ka baddelka lagu sameeyay Sharciga Howlgabka Baarlamaanka.
Sharcigan oo uu baarlamaanka hor keenay Hogaamiyaha laga tirada badan yahay John Mbadi ayaa doonaya in la baabi’iyo xeerarkii hore wuxuna sheegay in xildhibaanadan la doonayo in la siiyo lacagaha hawlgabka.
Mr. Mbadi ayaa sheegay in lacagahani ay wax ka goynenin shacabka Kenyaanka khasatan markii la doonayay in laga dhigo ila iyo sannadka 2010-kii.
Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda, ay kaliya u baahan doonaan 144 milyan sanad kasta si loo maalgaliyo lacagaha la siinayo xildhibaanada hore u soo shaqeeyay intii u dhaxeysay 1984 iyo 2001 kuwaas oo tiradooda gaareyso 150.
Xildhibaanka Garissa Township Aadan Ducaale ayaa ka digay in shaqaalaha kale ee dawladda ay bilaabi karaan qaylo dhaan ku saabsan hawlgabkooda ka dib markii ay baarlamaanku meel mariyeen sharcigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here