Baarlamaanka oo baaraya lacago lagu keydsaday dalka dibadiisa

Guddiga golaha qaran ee xeer-dejinta u qaabilsan maaliyadda iyo qorsheynta ayaa la filayaa inuu billlaabo baaritaano la xiriira lacago la sheegay qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda in ay ku keydsadeen akoonno bangiyeed oo dalka ka baxsan.
Xubnaha guddigan ayaa laga doonaya inay muddo 60 cisho gudaheed ah ku caddeeyaan qiimaha lacagta ee ku jirta akoontiyada bangiyada ku yaalla wadamada kale ee caalamka.
Guddigan oo ay hoggaamiso wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay ,Gladys Wanga ayaa kaashan doono guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Tallaabadan ayaa timid kaddib dacwad uu guddoomiyaha baarlamaanka galinkii dambe ee Talaadada uu u gudbiyay Godfrey Osotsi oo golaha xeer-dejinta si magacaabid ah ku galay.
Mr. Osotsi ayaa doonaya in la ogaado qaabka ay ku suurtagasho in qof u shaqeya dowladda Kenya uu lacag ku keydsado akoon dibadeed.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaanka dalbanayaa in guddiga EACC iyo maamulka qaabilsan dib u soo celinta hantida la lunsaday ay dardargeliyaan sidii lagu heli lahaa dhaqaale ballaayiin shilin ah oo la rumeysan yahay in wadamo kale loo weeciyay.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here