Baarlamaanka oo beeniyay inuu jiro mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dalka

Golaha sharci dejinta ee dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegayo inuu jiro mooshin gaar ah oo xilka looga qaadaya ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Karaaniga baarlamaanka dalka Michael Sialai, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dokumeentigaas uu been abuur yahay.
Waxaa uu xusay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu marin habaabiyo shacabka iyo xildhibaanada.
Mr.Sialai ayaa intaa ku daray inuunan jirin xildhibaan wargelin arrinkan ku aaddan u soo gudbiyay xafiiskiisa ama guddoomiyaha baarlamaanka.
Sido kale waxaa uu sheegay inaynan jirin liis ay ku qoran yihiin siyaasiyiinta xilka qaadista waxba kama jiraanka ah ee la faafiyay saxiixyadooda ku taageeray.
Mr. Sialai ayaa sido kale su’aal geliyay qaab loo qoray dokumeentiga oo uu xusay in laga dheehan karo inay soo saareen shakhsiyaad caadeystay wararka aan saxda ahayn.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in qoraalka la isla dhex maraya lagu xusay in baarlamaanka uu 2-da bisha lixaad yeelanaya kal fadhiga lixaad taasoo aan sax ahayn maadaama ay hadda u tahay kal fadhigii afaraad.
Sido kale xildhibaanka deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri , Kanini Kega oo la sheegay inuu ka dambeeyo mooshinka ayaa taasi iska fogeeyay.
Mr. Kega ayaa carrabka ku adkeeyay inuunan jirin mooshin uu soo saaray ama u qorsheysan oo xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here