Baarlamaanka oo berri turxaan bixinaya wasiirro dhawaan la magacaabay

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa la filayaa inay maalinka khamiista ee toddobaadkan turxaan bixin ku sameeyaan wasiirro iyo 6 xoghayayaal oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Mas’uuliyiinta la turxaan bixin doono waxaa ka mid ah senatarkii hore ee ismaamulka Nyeri ,Mutahi Kagwe oo loo magacaabay wasiirka caafimaadka iyo Betty Maina oo laga dhigay madaxa wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale ambasadoor Johnson Weru u magacaabay xoghayaha wasaaradda ganacsiga ,Dr Jwan Ouma ( xoghayaha waaxda culuunta farsamada gacanta), Mary Kimonye ( adeegga dadweynaha ), Ambassador Simon Nabukwesi ( waxbarashada jaamacadaha iyo cilmi baarista), Solomon Kitungu (gaadiidka ) iyo Enock Momanyi Onyango ( qorsheynta dhismooyinka).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here