Baarlamaanka oo dib u furmaya kaddib labo toddobaad oo ay xildhibaanada fasax ahayeen

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa 2:30 galabnimo ee maanta yeelanaya kalfadhi kaddib markii uu dhammaaday fasax qaatay labo isbuuc.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga baarlamaanka dalka ayaa muujinaya in mudanayaasha ay kulamo kala duwan yeelan doonaan ilaa 3-da bisha 12-aad ee sannadkan.
Xildhibaanada ayaa eegi doono warbixin uu soo saaray guddiga caafimaadka ee baarlamaanka oo lagu eegayay sida wasaaradda caafimaadka ee dalka ay u isticmaashay lacagaha loo qoondeeyay la tacaalidda cudurka COVID-19.
Waxay si gaar ah diiradda u saari doonaan maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA oo la soo tabiyay in ay fadeexad hareysay.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale ka doodi doono warbixin guddiga gaadiidka , howlaha guud iyo guriyeynta uu ka soo saaray baaritaanada lagu sameeyay isticmaalka marinka casriga ee tareenada ee SGR.
Mudanayaasha ayaa lala wadaagi doonaa warbixinta guddiga cayaaraha, dhaqanka iyo dalxiiska ee ku aaddan xaaladda garoomada cayaaraha ee wadanka.
Kal-fadhiga baarlamaanka ee maanta ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay xildhibaanada iyo senatarrada ay sheegen inay si buuxda u taagerayaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here