Baarlamaanka oo diiday in dhaqaale kordhin loo sameeyo ismaamulada

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa dhinac isaga dhigay soojeedin uga timid aqalka sare oo ku aaddanayd in la kordhiyo dhaqaalaha loo qoondeeyo dowlad deegaanada dalka.
Aqalka sare ayaa soo jeediyay in miisaaniyadda dowladda dhexe ay u qoondeyso ismaamulada laga dhigo 335 bilyan oo shilin.
Baarlamaanka ayaa horay u go’aamiyay in 47-da ismaamul ee dalka la siiyo miisaaniyad dhan 310 bilyan .
Guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka Mr. Kimani Ichungwa ayaa xildhibaanada u gudbiyay warbixinta waxaana ugu dambeyn lagu taliyay in mudanayaasha iyo senetarada ay ka wada hadlaan balse hadda soo jeedintii senate-ka ka timid aynan dhaqangali Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here