Baarlamaanka oo hakiyay kal fadhiyadiisa

Golaha qaran ee sharci dejinta dalka ayaa shaaca ka qaaday inuu hakad geliyay howlihiisa .
Xildhibaanada ayaa dib u kulmi doono 14-ka bisha afaraad ee sannadkan.
Xubnaha Aqalka sare ayaa dhanka kale fasax ku maqanaan doono ilaa 31-da bishan saddexaad.
Xilligaas kaddib waxay senetarrada kal fadhi yeelanayaan hal mar toddobaadkii ilaa iyo 14-ka bisha April.
Tallaabooyinkan ayaa lagu saleeyay amarkii madaxweynaha ee ahaa in la yareeyo isku imaatinka dadka tirada badan.
Dhanka kale madaxa caddaaladda ee dalka Mr. David Maraga oo horay u sheegay in waaxda garsoorka aynan shaqeyn doonin muddo laba isbuuc ah ayaa hadda taasi kordhiyay wuxuuna ka dhigay hal bil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here