Baarlamaanka oo ka dooday miisaaniyad sannadeedka dalka

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa maanta ka dooday miisaaniyad sannadeedka 2020-2021-ka oo ay u gudbisay wasaaradda maaliyadda.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa golaha sharci dejinta ku wareejiyay miisaaniyad dhaqaale oo dhan 2.91 tiriliyoon si ay uga doodaan kaddibna ay warbixin uga soo saaraan.
11-ka bishan ayaa la filayaa in baarlamaanka dalka laga hor akhriyo faahfaahin ku saabsan miisaaniyadda wasaaradda maaliyadda ee dalka ay u qondeysay waaxyaha iyo shirkadaha kala duwan ee dowladda.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo maalmo ka hor madaxa bangiga dhexe ee CBK Dr. Patrick Njoroge uu sheegay inay saameyn dhaqaale oo ballaaran ka dhalatay cudurka Covid-19 ee dalla iyo guud ahaan caalamka ka jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here