Baarlamaanka oo khamiista turxaan bixinaya wasiirro dhawaan la magacaabay

Kenya's Supreme Court judges file into the chamber during the opening of the 11th Parliament in the capital Nairobi April 16, 2013. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS)

DXildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa la filayaa inay maalinka khamiista ee toddobaadkan turxaan bixin ku sameeyaan wasiirro iyo 6 xoghayayaal oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Guddoomiyaha golaha sharci dejinta ee dalka Justin Muturi ayaa galinka dambe ee maanta mudanayaasha arrintan si rasmi ah ugu wargelin doono.
Mas’uuliyiinta la turxaan bixin doono waxaa ka mid ah senatarkii hore ee ismaamulka Nyeri ,Mutahi Kagwe oo loo magacaabay wasiirka caafimaadka iyo Betty Maina oo laga dhigay madaxa wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale ambasadoor Johnson Weru u magacaabay xoghayaha wasaaradda ganacsiga ,Dr Jwan Ouma ( xoghayaha waaxda culuunta farsamada gacanta), Mary Kimonye ( adeegga dadweynaha ), Ambassador Simon Nabukwesi ( waxbarashada jaamacadaha iyo cilmi baarista), Solomon Kitungu (gaadiidka ) iyo Enock Momanyi Onyango ( qorsheynta dhismooyinka).
Dhanka kale baarlamaanka dalka ayaa abaare 2.30 duhurnimo ee maanta yeelanaya kal fadhi gaar ah oo mudanayaasha ay fursad ugu heli doonaan inay u tacsiyeeyaan qoyska madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Toroitich Arap Moi ee horraantii bishan geeriyooday.
Sido kale Kenyaanka ayaa maalinkii saddexaad fursad u haysta inay arkaan meydka Moi oo ilaa sabtidii yaalla xarunta baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here