Baarlamaanka oo maanta su’aalo weydiiyay wasiirka deegaanka

Wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Mr. Keriako Tobiko ayaa maanta ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha deegaanka.
Waxaa su’aalo laga weydiiyay qorshaha dowladda ee ku aadan in la burburiyo guriyo laga dhisay aagga keynta Ngong.
Wasiirka ayaa xusay inay jiraan shakhsiyaad guriyo ku dhistay dhul ka mid ah keynta Ngong.
Mr. Tobiko ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay inuu dib ula wareego dhulalka dowladda ee sida sharci darrada ah lagu qaatay.
Sido waxaa uu wacad ku maray inaan la tixgelin doonin dhaqaalaha ,qabiilka uu ka soo jeedo ama saameynta siyaasadeed ee uu leeyahay qof boobay dhul dowladeed.
Dowladda ayaa horay loogu dhaliilay howlgallo ay ka sameysay keynta Mau ee ismaamulka Narok halkaas oo laga saaray qoysas si aan sharci ahayn ku degay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here