Baarlamaanka oo turxaan bixinaya aqoonyahaano soo codsaday jagada guddoomiyaha guddiga NLC

Baarlamaanka dalka ayaa maanta oo khamiis ah turxaan bixin ku sameynaya dad dhowr ah oo soo codsaday inay buuxiyaan xilka guddoomiyaha guddiga qaran ee arrimaha dhulalka (NLC) ee uu banneeyay Maxamad Swazuri.
Guddiga baarlamaanka ee dhulalka ayaa sido kale su’aalo weydiinaya saraakiil doonaya inay NLC xubno ka noqdaan.
Waxaa maanta turxaan bixin lagu sameynayaa Gershom Otachi, Esther Murugi, Gertrude Nduku, Reginald Okumu iyo Samuel Kambi halka berri oo jimco ah su’aalo la weydiin doono Xubbi xussein, Alister Murimi iyo Tiya Galgalo .
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu Mr. Otachi u soo xushay guddoomiyaha cusub ee guddiga qaran ee arrimaha dhulalka.
Bishii labaad ee sannadkan ayaa waxaa dhammaaday muddo xileedkii Maxamad Swazuri oo 6 sano shaqeynayay.
Guddiga NLC waxaa hadda si ku meel gaar ah u hoggaamiyo Kabale Tache.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here