Baarlamaanka oo turxaan bixinaya saraakiil ku biiraya guddiga TSC

Guddiga arrimaha waxbarashada ee baarlamaanka dalka ayaa lagu wadaa inuu turxaan bixin ku sameeyo Mbage Njuguna Ng’ang’a iyo Ms Leila Cabdi oo madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu dhawaan u soo magacaabay inay ka mid noqdaan saraakiisha sar sare ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Magacyada labadan qof ayuu hoggaamiyaha dalka ka soo dhex xushay liis uu gudbiyay guddiga uu hoggaamiyo maamule ku xigeenka jaamacadda Zetech ,John Munene Njenga.
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka Mr. Muturi ayaa golaha sharci dejinta u sheegay in magacaabidda la sameeyay ka hor 27-kii bishii hore ee sannadkan sidaas awgeedna xildhibaanadda laga sugayo hadii turxaan bixin kaddib ay saraakiisha la soo magacaabay ku qancaan ugu wareejiyaan madaxweynaha dalka si uu qalinka ugu duugo.
Farqada 8-aad ee sharciga TSC ee la dejiyay sannadkii 2012-kii ayaa qeexeysa in baarlamaanka laga doonayo inuu ansaxiyo magacaabidda ama uu meesha kaga saaro muddo 21 cisho gudahood ah.
Marka baarlamaanka uu ansaxiyo Mbage Njuguna Ng’ang’a iyo Ms Leila Cabdi waxay ku biiri doonaan Beatrice Adu, Mbarak Twahir, Kinoti Imanyara, Tache Gollo iyo Albert Ekirapa oo hadda saraakiil sar sare ka ah guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here