Baarlamaanka oo turxaan bixinaya sarkaal loo magacaabay hanti-dhowraha guud ee dalka

Baarlamaanka dalka ayaa maanta lagu wadaa inuu turxaan bixin ku sameeyo haweeney uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta u magacaabay xilka hanti-dhowraha guud ee wadanka.
Ms Nancy Janet Kabui Gathungu ayaa ka soo hormuuqan doonto guddiga golaha sharci dejinta u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta qaranka.
Hadii la ansaxiyo waxay buuxin doontaa jagadii uu baneeyay Mr Edward Ouko kaddib markii uu muddo xileedkiisi dhammaaday bishii sideedaad ee sannadkii hore.
Ms Gathungu, ayaa hadda ah agaasimaha dhanka xaqiijinta tayada ee xafiiska hanti-dhowraha guud ee dalka.
Dastuurka dalka ayaa dhigaya in baarlamaanka uu haysto muddo 14 cisho ah oo uu ku ansaxinayo ama ku diidaya sarkaal uu madaxweynaha xil u magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here