Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyay warbixin ku saabsan shilalkii mudo lix bilood ah ka dhacay deegaanada maamulka Puntland.

Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa warbixin u gudbiyey Golaha Wakiilada maamulkaasi,warbixintaasoo la xiriirta heerka Xuquuqda Insaanka iyo dembiyadii ka dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay deeganada maamulka Puntland.
Warbixintaan oo uu Akhriyey Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka dhaceen 3,387 dembi lixdii bilood ee la soo dhaafay oo ay kamid yihiin 56 dembi oo la xiriira kufsi ah.
Sidoo kale Guddigu waxaay sheegeen in dadka Shacabka ah ay Ciidamada iska xiraan sanado ama bilooyin, iyadoo aan wax maxkamad ah la marsiin, waxayna tusaale u soo qaateen dad u xiran bilooyin badan Shilal Gaari oo dhacay.
Shilalka gaadiidka ee ka dhacay deegaanada maamulka Puntland Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaay guddigu ku sheegeen 1,833 shil oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 206 qof.

Ugu dambeyn guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka ee baarlamaanka waxaay sheegeen inay booqdeen Xarumaha iyo Saldhigyada dadka lagu xiro marka laga reebo Xarumaha ciidamada PSF oo ay sheegeen inay si cad u diideen in wax lag ogaado dadka ugu jira Xabsiyada ay maamulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here