Baarlamaanka Soomaaliya oo akhrinta koobaad marinaya sharciyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.
Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Baarlamaanka ayaa waxaay kala yihiin Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed & Akhrinta labaadee ee hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaha Soomaaliyeed.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana laga doonayo inay kulanka soo xaadiraan si uu u furmo.
Muddo laba todobaad ah Xildhibaannada Golaha Shacabka majirin wax kulan ah oo ay yeesheen, waxaana hakad ku jiray fadhiyada kal-fadhiga 7-aad sababo aan weli la shaacin awgood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here