Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiskii doorashada 2020/2021

Mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah yeeshay ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska siyaasadeed ee jihaynta doorashada.
Waxaana codka oggolaatay 252-xildhibaan,laba xildhibaan ayaa diiday halka hal xildhibaanna uu ka aamusay sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir guddoominayay.
Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoonka labada aqal  ka hor inta aan la ansixin qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay.

255 Xildhibaan ayuu ku furmay kulanka xilldhibaanada, waxaana goobta ku suganaa guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here