Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Xeerka Kuraasta gobolada Waqooyi

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii Afaraad oo xiriir ah Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya,waxayna ka doodayeen Xeerarka doorashada oo ay u soo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka qaranka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.
167 Xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ayaa ogolaaday xeerkaan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diidayna kuma jirto fadhigii Baarlamaanka ee Maanta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay,isagoo u mahad celiyay Xildhibaannada golaha shacabka ee Maanta codka aqlabiyada leh ku meelmariyay xeerkaan muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here