Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan Muhiim ah yeelanaya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniin Maanta ah waxaay yeelanayaan kulanka 16aad ee kalfadhigooda 5aad.
Ajendaha kulanka Golaha shacbiga Soomaaliya ee Maanta ayaa ah 3 qodob oo kala ah, u codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Soomaaliya, Akhrinta 3aad ee wax ka badelka Sharciga Batroolka qaranka iyo Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtaa Ansixinta Sharciga Batroolka oo horyaalla Xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasoo la filayo in Maanta oo Isniin ah ay Xildhibaannada Golaha Shacabka cod u qaadaan.
Sharciga Batroolka ayaa waxaa horay uga soo horjeeda hogaamiyeyaasha maamul goboledyada Soomaaliya,sidoo kale kalhore ayay ahayd markii Golaha Wasiirda Soomaaliya ay Sharciga Batroolka horay u soo ansixiyeen,sidoo kalena Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayo inay ansixiyaan sharcigaas si uu u dhaqan galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here