Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan yeelanaya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Ajandaha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay Dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka Badalka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, iyadoo kulamadii la soo dhaafay ay Xildhibaannada uga doodeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda ee Soomaaliya.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulan weynaha Golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb-galaan kulankaasi.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira kal-fadhiga 7aad oo ah kan ugu dambeeya ee Baarlamaanka 10aad ayaa waxaa u yaalla ajandayaal dhowr ah oo ay ka doodi donaan si ay u ansixiyaan inta uusan dhamaan mudo xileedkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here