Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 16/11/2020 la filayaa inay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho ku yeeshaan Kulankooda caadiga ah.
Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa Xildhibaannada u diray qoraal lagu ogeeysiinayo inuu jiro kulanka Golaha Shacabka ee Maanta,waxaana laga dalbaday inay soo xaadiraan sidoo kalena waqtiga ilaaliyaan.
Ajandayaasha Kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, u codeynta Xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa haatan waxaay ku guda jiraan kal-fadhigii ugu dambeeyay Muda Xileedkooda, waxaana horyaalla meel marinta iyo ka doodista ajandayaal dhowr ah oo la doonayay inay ku gudbiyaan mudad yare e u harsan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here