Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 19-ka bisha 6 waxaay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad.
Ajandaha Kulanka baarlamaanka Maanta ayaa wuxuu yahay aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda,waxaaana kulanka goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan,waqtigana wada ilaaliyaan.
Kulankii ugu dambeeyay ee Isniintii ay yeesheen Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa Akhrinta koowaad waxaay marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyadoo xildhibaanada sidoo kale loo qeybiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa inta ay ku guda jiraan Kal-fadhiga 5aad ee hada u socda waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo la doonayo inay meel mariyaan si ay sharci u noqdaan dowladuna dhaqan galintooda ugu talaabo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here