Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sharci Muhiim ah ansixiyay.

Baarlamaanka Fadraalka Soomaaliya ayaa waxay maanta ansixiyeen sharciga Bartoolka oo aad muhiim u ahaa horayna ay golaha xukuumadu u soo ansixiyeen sidoo kalena ay Baarlamaanku soo mariyeen labo aqrin.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dowlada Soomaaliya ayaa saaka xaruntooda ku yeeshay kulan Xasaasi ahaa waxaana kulanka Maanta ayay ajandeyaashiisu ahaayeen u codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Soomaaliya, Akhrinta 3aad ee wax ka badelka Sharciga Batroolka qaranka iyo u codayntiisa iyo Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Kulanka 16-aad ee Kalfadhiga 5 shanaad golaha shacbiga Soomaaliya yaa waxaa maanta Soo xaadiray 154 mudane waxaana sharciga Batroolka u codeeyay 150 xildhibaan ayadoo ay diideen 4 xildhibaan sharciga Batroolka Soomaaliya ayayna dowladu muhiimad siinaysay,
Kadib Meelmarinta sarciga Batroolka Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa guda Galay oo siweyn uga doodaya Sharciga dhismaha Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo ka mid ahaa ajandeyaashii baarlamaanka ee maanta.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay Ansixinta Sharciga Batroolka oo horyaalla Xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasoo ugu danbayn Maanta oo Isniin ah ay Xildhibaannadu meelmariyeen.
Sharciga Batroolka Soomaaliya waxaa ka taagnaa muran maadaama ay horay uga soo horjeeda hogaamiyeyaasha maamul goboledyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here