Baarlamaanka Turkiga oo ansaxiyay sharci ku saabsan baraha bulshada

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel mariyay sharci la doonayo in lagu xakameeyo waxyaabaha lagu faafiya baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Dadka u ololeeya xuriyatul qowlka ayaa dhankooda sheegaya in sharcigan uu xannibi doono muujinta dareenka qofka.
Sido kale waxay walaac ka muujinayaan in laamaha ammaanka ay awood dheeraad ah u heli karaan inay caburiyaan cid kasta oo waxqabadka dowladda dhaliilsan.
Waxaa meel marinta sharcigan taageeray xisbiga madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee AK Party oo aqlabiyad ku leh golaha xeer dejinta.
Qodobada ku xusan waxaa ka mid ah in shirkadaha la saari karo ganaax , laga xiri karo xayaysiimaha ama adeegga intarneetka ee ay isticmaalaan la dhimi karo boqolkiiba 90 hadii aynan meesha ka saarin qoraal ay laamaha ammaanka qoonsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here