Baasaboorka Taiwan oo la bedelaya

Jasiiradda Taiwan ayaa sheegtay inay bedeli doonto naqshadda baasaboorka ay muwaadiniinteeda isticmaalaan.
Tani ayaa timid kaddib markii in badan oo ka mid ah shacabka Taiwan ay ku adkaatay inay wadamo kale gudaha u galaan.
Waxaa caqabaddan loo aaneeyay in baasaboorka Taiwan lagu qoray far waaweyn oo ah Jamhuuriyadda Shiinaha halka magaca Taiwan uu meel hoose ku yaalla.
Jasiiradda ayaa sheegtay in isbeddelka la sameynayo sido kale looga gol leeyahay in lagu sii xoojiyo madax bannaanida iyo aqoonsiga Taiwan.
Baasaboorka cusub oo uu qorshuhu yahay in la soo saaro bisha koowaad ee sanadkan 2021-ka ayaa waxaa laga masaxayaa magaca Jamhuuriyadda Shiinaha.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa sheegay inay doonayaan inaan la isku qaldin muwaadiniinta dalkaas iyo kuwa Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here