Babu Owino oo lagu soo oogayo dacwad ka dhan ah isku day dil

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. Geroge Kinoti ayaa sheegay in xildhibaanka bariga Embakaasi Babu Owino in lagu soo oogi doonaa dacwad ka dhan ah isku day dil.
Arrintan ayaa timid kadib markii xilidhibaanka uu nin DJ ah ama heesaha u qaabilsan rasaas kaga dhuftay qoorta kuna dhaawacay saaka aroortii xili uu ku sugnaa goob caan oo baar ah ama Club oo ku talla deegaanka Kilimaani ee magaalada Nairobi.
DCI-da ayaa barteeda rasmiga ee Tuwitarka ku soo qortay in xilidhibaanka uu gacantooda ku jiro baaritaano dheeri ah ay socdaan.
Dhanka kale agaasimaha waxda dambi barista ee DCI ayaa sheegay in xilidhinbaanka maxkamad la soo taagi doona marka ay baarista dhamaato.
Booliska ayaa saaka 4-tii subaxnimo gacanta ku soo dhigay xilidhibaanka ayagoona ka soo qabtay goobta uu toogshada ka geystay.
Saraakiisha waxda dambi baarista ayaa haatan ku sugan goobta ay dhacdadu ka dhacday ayagoona baritaan wada.
Dhibaanaha ayaa haatan lagu dabiibaya isbitaalka Nairobi asagoona xaaladiisu aad uliidato.
Xildhibaanka dhibaatan gaystay ayaa bixiyay lacagta lagu daawaynayo dhibanaha uu rasaasta ku dhuftay.
Qareenka Mr Owino ayaa sheegay in tan ila iyo sanadkii hore xildhibaanka ay naftiisa halis ku jirtay taasi oo ku kaliftay inuu qori sharciyasto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here