Badmaxayaal ku dhintay gantaal ay Iiraan soo riday

Ugu yaraan 19 badmaxayaal ayaa ku dhintay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kadib gantaal ku dhacay markabkii ay saarnaayeen xili tababar laga sameeynayay Gacanka Cumaan sida ay sheegeen ciidanka Iiraan.
War qoraal ah oo Isninta kasoo baxay ciidanka Iiraan ayaa lagu sheegay in dhacdadan ay Axadii ka dhacday dekeda Jask oo 1,270 kilimitar kaga beegan Koonfur Bari caasimada Tehran.
Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in gantaalka uu markabkan oo tababarka qayb ka ahaa aan si ula kac ah loogu dhufan.
Telefishanka dawladda ayaa dhacdadan ku tilmaay shil wuxuuna tabiya in markabka uu ku sugnaa meel u dhaw goobta bartilmaamedka.
Weli lama xaqiijin tirada shaqaalaha markabka ee saarna marka uu shilka dhacayay.
Ciidanka Iiraan ayaa si joogta ah tababar uga sameeya Gacanka Cumaan oo ku xiran gacanka Hormuz halkaas oo boqolkiiba 20% saliida caalamka la mariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here