Balaayiin dollar oo Soomaaliya laga Cafiyay

Wasiirka wasaarada Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb-galay Shir hab muuqaal ah ahaa (Video Conference) oo ay la galeen wadamada ku bohoobay Naadiga Paris ee {Paris Club},shirkaasoo wadahadal dheer kadib la sheegay inuu si guul ku idlaaday.
Wasiir Beyle war ka soo baxay ayuu ku sheegay inay Talaabadaasi ahayd taariikh kale oo baal dahab ah u galeysa bulshada Soomaaliyeed maadaama Naadiga Paris ay cafiyeen deyn dhan 1.4 billion Dollar, isagoona u mahadcelinayay dhamaan wadamada Paris club ee Soomaaliya ku garab istaagay dib-u-habeynta iyo horumar ka Maaliyadda dalka oo dhank.
Kulankaan ayuu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladihii Soomaaliya deynta ku lahaa ay muujiyeen ixtiraam ku aadan dadaalkii dheeraa ee ay u galeen taasoo uu Xusay inay ku muteysteen inay qeyb ka mid ah deyntii ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya ka cafiyaan.
Wasiir Beyle ayaa u hambalyeynayay ummadda Soomaaliyeed, Madaxda Dowladda FS iyo dhamaan Hey’adaha Dowladda ee ka qeyb qaatay barnaamijka isbadalka Maaliyadda ee IMF SMP.
Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaay dadaal ugu jirtey sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa,waxaana dhawaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta adduunka ay sheegeen in Soomaaliya ay gaartey heerkii deynta looga cafin lahaa.
Wadamada ku bahoobey naadiga Paris Club ayaa waxaa ka mid ah Australia, Austria, Belgium, Brazil, Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Israel, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Russian Federation, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, United Kingdom iyo United States of America.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here