Bambaano Xalay lagu weeraray Xarun ay leedahay wasaarada Maaliyada Soomaaliland

Wararka laga helayo Magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal ayaa waxaay sheegayaan in xalay weerar bambaano oo dhaliyay khasaaro kala duwan lagu qaaday Xarun Wasaaradda Maaliyada Soomaaliland ay ku leedahay Magaaladaasi.
Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhaawacmay mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada Soomaaliland ee Xarunta ku sugnaa sidoo kale qeyb kamid ah darbiga kore ee Wasaaradda uu burbur soo gaaray.
Guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani ee Soomaaliland Cabdirashiid Cabdi Jaamac oo ku sugnaa Guro u dhow Xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in mar qura ay maqleen jugta bamka,isla markaana aysan Garayan sababka Xarunta Wasaarada loo weeraray.
Wuxuu sheegay in Abaare 11:50 daqiiqo oo Habeenimo ay maqaleen dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga ugu soo daatay,ka dibna ay isku soo baxeen dadkii ka agdhawaa xarunta wasaarada Maaliyada Soomaaliland ee Magaalada Borama.
Wararka saaka laga helayo Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in xaalada degmadaasi ay degan tahay, hayeeshee Ciidamada Booliska ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falka lagu weeraray Xarunta wasaarada.
Degaannada Soomaaliland ayaa waxay kamid yihiin meelaha ugu amniga wanaagsan ee dalka Soomaaliya, loogamana baran inay ka dhacaan weeraro bambaano oo inta badan ka dhaca Gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here