Banaanbax ka dhacay degmada Guriceel

Wararka laga helayo degmada Guriceel ee GobolkaGalgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in dad taagersan hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ay halkaasi kadhigeen banaanbax nabadeed.

Banaanbaxa ayaa waxaa ay ku taageerayaan mowqifka hoggaanka Ahlusunna ee dhismaha Galmudug,waxaana banaanbaxaas uu bilaawday,kadib markii laga soo baxay Salaadii Jimcaha,iyaga oo dadka dhigaya ay wateen Sawirada hoggaanka Ahlusunna.

Ciidamada ammaanka ayaa sheeda ka ilaalinayay Banaanbaxa waxaana Bulshada qeybaheeda kala duwan la sheegay inay si nabad ah uga qeyb qaadanayeen banaanbaxa.
Qaar kamid ah dadka ka qeyb galay banaanbaxa oo Culimo u badnaa ayaa waxaa ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in la dhowro wadajirka Bulshada reer Galmudug,isla markaana Dowladda ay fuliso heshiiskii ay la gashay Ahlusunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here