Banaanbax ka socday Beledweyne oo la joojiyay

Waxay Maanta barqadii Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan joojiyeen banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle oo Magaaladaasi laga samaynayay.
Taliska Booliska Magaalada Beledweyne ayaa waxay faah fahin ka bixiyeen sababaha keenay inay joojiyaan banaanbaxa ay dadka reer Beledweyne ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan habka lagu wado dhismaha Maamulka Cusub ee Hir-Shabelle.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in aan Magaalada Baladweyne lagu qaban karin Banaabax aysan laamaha Amaanku ka war qabin laguna soo wargelin.
Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay taliyaha inay talaabo ka qaadi doonan cid kasta oo banaanbax aan la ogeyn ku qabata Magaalada Beledweyne.
Shalay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo qaabka loo wajahayo sida ay sheegeen dadka banaanbaxaas dhigayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here