Banaanbax la qorshaynayo inuu maanta Muqdisho ka dhaco

Wadooyinka Muqdisho

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha Soomaaliya waxaa Maanta lagu wadaa inuu Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah ka dhaco bannaanbax ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir,kaasoo lagu taagerayo Dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Banaanbaxaan ayaa wararka la helayo waxay sheegayaan inuu yahay mid lagu taageerayo hadalkii shalay ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,ee ahaa inuu codsanayo in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkaasi ay isugu imaan doonaan Goobo gaar ah oo ay kamid yihiin Isgoyska km4 iyo sidoo kale Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada boondheere,isla markaana ay ka qyeb geli doonana mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saka xiran waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,oo wadooyinka qaar u diidaya inay maraan Gaadiidka dadka Shacbaka ah ay wataan.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah, wadada Isgoyska Jubba ilaa degmada Xamarweyne, qeybo kamid ah wadada maka Almukarama,waxaana la arkayay dadweyne farabadna oo lugeynaya maadaama la diidayo Gaadiidka noocyadisa kala duwan inay halkaas ka gudbaan.
Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa horay waxaa uga dhacay banaanbaxyo kala duwan,oo dowladda lagu taageerayay iyo kuwo looga soo horjeeday,hayeeshee aysan noqon kuwo wax isbadal oo muuqda soo kordhiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here