Banaanbax laga bilaabay dalka Cameroon

Banaanbax xoogan ayaa ka bilowday dalka Cameroon kaas oo salka ku haya Hoggaamiyaha kooxda gooni u gaasadka ee dalka Cameroon Sisiku Ayuk Tabe iyo 9 qof oo kamid ah taageerayaashiisa oo lagu riday xukun xabsi daa’iin ah, sida ay go’aamisay maxkamadda militariga ee magaalada dalkaasi.
Sisiku iyo taaageerayaashiisa ayaa u ololeynayay in la sameeyo maamul ka madaxbanaan Cameroon inteed kale Si gaar ah gobollada af-ingiriisiga looga hadlo ee dalkaas.
Shacabka ku nool gobollada af-ingiriisiga looga hadlo ee Cameroon ayaa sheegay in muddo ah ay gacan-bidxeyn kala kulmayeen dowladda.
Ka sukow dibad baxanyadan iminka bilowday waxa uu halganka hogaamiyahan iyo taageerayaashiisa bilowday sannadkii 2016-kii gobollada af-ingiriisiga looga hadlo ee Cameroon.
Qaar kamid ah shacabka ayaa qaatay hub sannadkii 2017-kii, qalaalasaha ka dhashay rabshahadaas waxay horseedeen in ka badan 500,000 qof ay guryahooda ka qaxaaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here