Banaanbaxyo ka dhacay wadanka Georgia kadib markii uu booqday xildhibaan ka tirsan Ruushka.

Dibadbaxyo xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada caasimada u ah wadanka Georgia kadib markii uu dalkaasi booqasho uu ku tagay xildhibaan ka mid ah wadanka Ruushka taasi oo ay caro ka muujiyen shacabka reer Georgia.
200 oo qof ayay ciidamada boolisku ay sheegeen in banaanbaxaasi ay ku dhaawacmeen.
Laamaha ammaanka ayaa suntan dadka kaga ilmaysiisa u adeegsaday dad badan oo isugu soo baxay wadooyiin kuwaas oo ka caraysa inuu soo booqdo wadanka Georgia xildhibaan matalaya wdanka Ruushka kaasi oo lagu magacaabo Sergey Gavrilov .
Dalka Georgia ayaa ahaa dalalkii horay uga midka ahaa Ruushka kuwaas oo loo yaqaanay Soviet-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here