Banaanbaxyo ka socda gobolka Banaadir

Banaanbax lagu taageerayo go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya shalay ku ansixiyeen mataalada uu Gobolka Banaadir ku yeelayo Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu Saaka ka socdaa qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah Shacabka Caasimada oo isga kala Yimid degmooyin Gobolka Banaadir ayaa banaanbaxaan ka dhigaya taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.
Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan haween ayaa waxaay wataan boorar kala duwan,waxaana goobta ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolkan Banaadir.
Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in banaanbaxa uu tegi doono,isla markaana uu banaanbaxayaasha khudbad u jeedin doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dhanka kale Amb, Daahir Maxamuud Geelle wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfafainta Soomalaiya ahna musharax Madaxweyne ayaa soo dhaweeyay tallaabada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen 13 Xubnood ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in tallaabadaas ay tahay mid daweyneysa dadka ku nool Magaalada Muqdisho oo markii hore aan wax matalaad ah ku laheyn Xildhibaannada Aqalka Sare.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu muhiim yahay Maqaamka caasimadda oo isna leh mudnaan gaar ah,waxaana uu ku baaqay in la xoojiyo sidii dadka reer Muqdisho u heli lahaayeen maqaam u gaar ah.
Waxa uu bogaadiyay mudaneyaashii ansixiyay iyo intii dadaal u soo gashay hirgalinta talaabadaan, Isgaoo cidkasta oo diidanayn ama Xildhibaanadii aan u codeyn qoondada gobolka Banaadir ee Aqaka Sare inay ku qancaan in kuraastaan tahay mid Soomaaliyeed oo berri qof kastaa u tartami karo, gaar ahaan marka uu hirgalo nidaamka xisbiyada ee afkaarta iyo ajendayaasha siyaasadeed ku saleysan.
Hadana ay harsan tahay in matalaaddaan lagu qoro dustuurka si ay u noqoto mid dustuuri ah.
Daahir Maxamuud Geelle wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay Arrin kale oo muhiim ah tahay Maqaamka caasimadda oo isaguna leh mudnaan gaar ah, taasoo aan ku imaaneyn soo dhacsasho ee ku imaaneysa ka dhaadhicin walaalaha Soomaaliyeed inay caasimadda siiyaan maqaam marka hore u adeegaya qarankana, dadka degganna siinaya waxaay mudan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here