Banaanbaxyo Maalinkii labaad ka dhacay magaalada Beledweyne.

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga soo sheegayaa Magalada Bladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tan iyo markii uu shalay dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Shacabka Magalada ayaa Maanta markale waxay dhigayaan banaanbax ay sheegeen inay uga soo horjeedaan Madaxweyne Waare, iyagoo inta badan xiray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Baladweyne,waxaana xiran isku socodka dadka iyo Ganacsiga ee magaaladaasi.
Qaar ka mid ah Shacbaka banaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqayay Erayo ay uga soo horjeedaan Maamulka Hir-Shabeelle, iyagoo madaxweynaha maamulka Hirshabeele ku eedeeyay inuu khalalaase ka wado Baladweyne Magaalada Beledweyne sida hadalkuuda ku sheegen.

Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ka codsadeen inay soo farageliyaan xiisada ka jirta Magalada Baladweyne taas oo ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) kadib amrkii uu diiday inuu xilka wareejiyo.
Wararka ayaa sheegaya in Wafdiga Madaxeynaha maamulka Hirshabeele ee shalay halkaas gaaray loo diiday inay magaalada Gudaha u galaan oo ay ku sugan yihiin meel duleedka ah ah Magaalada Beledweyne.
Dhanka kale waxaa Maanta ku sii wajahan magaalada Beledweyne xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo isku howlayaan sidii loo dajin lahaa xaalada magaalada beledweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here